lunes, 13 de diciembre de 2010

  A.S.E      

ASOCIACÍON SOMALÍ EN ESPAÑA – SOMALI ASSOCIATION IN SPAIN 

 


Our Journal

The Somali community in Spain since formed has not rested and we have been having continuous meetings to try and improve where needed. we from here encourage all Somalis in Spain to participate, to give us your opinion and if you need any help we shall be pleased to assist in all we can. Though you must all, remember that we are still young and have a long way to go, never the less we are prepared to help and advise in all that we can.Jornal kayaaga.
                              Ururka bulshada soomaaliyeed ee Sapin tan iyo Markii la asaasay ma nasan. Waxaanan sii
wadnaa kulamada iyo isku dayga inaan sii horumarino si aan u garrno halkaan rabno. waxaan dhamaan umadda soomaaliyeed ku dhirigalinaynaa un ay ka qayb qaataan noo soo gudbisaan fikirkiina. Hadii aad u baaahantihiin waz gacan qabada dhankuu doonaba ha ahaatee waxaan isku dayanynaa inaan kaa gargaarno intii karaankayaga ah Inkaste oo aan la wada aboodi karin. xsuusnaw in urukan uu wali yahay mid mudakar ah jid aad u dheerna inu nba sugayo. Caala kuli xaal waxaan diyaar u nahay inaan hiil iyo hooba indinla garan taaganahay intii karaankayaga ah.
                       kulankii u la qaatay gudoomiyha baarlamaanka soomaaliya jaaliyada soomaaliyeed ee spain
27kii bishan maarso 2010ka waxaa gudoomiyaha barlamaanka soomaliya iyo wefti u hogaaminayo ay booqasho ugu yimaadeen jaaliyada soomaaliyeed ee spain.kulankaas oo lagu qabtay huteelka emperador ee magaalo madaxda madrid waxaa ka soo qayb galay dhamaan soomaalida ku nool  maadriid iyo nawaaxigeeda
waxaana halkaa qudbado ka soo jeediyay madaxda ururka iyo marti sharaftii joogtayba.inkaste oo aan halkan lagu soo koobi karin hadana waxaan wax yar ka taabanaynaa hadaladii halkaas laga soo jeediyay
ugu horayn waxaa hadalka qaatay gudoomiyaha ururka soomaalida spain marwo caasha ismaaciil waxaanay ka warantay baahida loo qabo in ay dawlada federaalka ku meel gaarka soomaaliya gacan ku siiyaan bulshada soomaliyeed ee ku nool spain sidii lo dabooli lahaa baahiyaha ay qabaan
ka dib waxaa hadalka qaatay gudoomiye ku xigeeka ururka mudane maxamed cawad waxaanu halkaa ka jeediyay qudbad aad u dheer taas oo ku faahfaahiyay taageerada ay u hayaan soomaalida spain dawlada federaalka soomaaliya waxaa kale oo gudoomiye ku xigeenku tafaasiil ka siiyay baahiyaha xoogale ee haysata soomaalida ku nool wadankan spain waxaanu tusaale u soo qaatay sida baasaboorka soomaaliga oo laga diday dalkan
ka dib waxaa hadalka qaatay qaar ka mida marti sharftii la socotay waftiga waxaanay dhamaan ku nuuxnuuxsadeen sida ay uga go antahay in gacan ku siiyaan sidii ay  wax u la qaban lahaayeen bulshada soomaaliyeed ee ku nool wadankan spain waxaa kale oo ay balan qaadeen sidii ay khibradooda ay ugu kordhin lahaayeen jaaliyada soomaaliyeed ee spain
ugu danbayntii waxaa hadalka qaatay gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya mudane aden maxamed oo ku magac dheer sheekh aaden madoobbe waxaanu marka hore u mahad celiyay madaxda ururka iyo dadwaynihii halkaa ku sugnaa ka dib waxaa u dadka uga waramay xaalada siyaasadeed ee haatan dalku marayo
waxaanu ku dhiirigaliyay in dalkooda dawladooda iyo dadkooda ay ka warhayaan oo ayna ka qayb qaadan wixii dalkooda u keenaya dhibaato iyo fadqalale
waxaa kale oo uu aad uga waramay dhibaatooyinka ay keentay burburka iyo kala danbayn la aanta ka jirta dalkeena hooyo in ay sobotay in wax qiima ah la siin waayo dadkeenii.
waxaa kale oo uu balan ka qaaday sidii uu u gaarsiin lahaa dawlada spain dhibaatda haysata soomaalida spain kana codsan doono sidii wax loogu qaban
kulankaas oo qaatay mudo ku dhaw 3  sacaadood ku siman laguma soo koobi karo dhamaan waxyaabihii  iyo qudbadihii halkaas ka dhacay .ma aha oo qura madaxda ururka iyo marti sharafta oo qura waxaase jiray dad kale oo halkaas waxayna iskugu jireen cuqaal dhalinyaro iyo wax garad. wixii kale ee faahfaahina dib ayaan idinka soo sheegi doonaa hadii alaa qadaro
                                                                                                              qore maxamed shari yuusuf

No hay comentarios:

Publicar un comentario